Qaraxyo mataano oo gilgilay Caasimadda Uganda ee Kampala (SAWIRRO)

Faah faahino ayaa ka soo baxaya laba weerar oo ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay Bartamaha Magaalada Kampala ee Xarunta Wadanka Uganda.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay meel aan ka fogayn Xarunta Dhexe ee Booliska. Muuqaal uu Taliska Booliska baahiyay ayaa waxaa ka soo muuqday nin boorso wata oo is qarxinaya.

Saddex daqiiqo ka dib qaraxa labaad ayaa ka dhacay meel qiyaastii 1km u jirta goobta qaraxa koobaad uu ka dhacay, ka dib markii laba nin oo dhugdhugley saarnaa ay isku qarxiyeen nawaaxiga Xarunta Baarlamaanka Uganda ee Kampala.

Nin afaraad oo damacsanaa inuu is qarxiyo ayaa gacanta lagu dhigay, sida ay sheegeen hay’adaha ammaanka, waana xilli waxyaabo kale oo qarxa laga helay qaybo ka mida magaaladaasi.

Afhayeenka Booliska Uganda, Fred Enanga oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kampala ayaa sheegay in saddex nin ay fuliyeen qaraxydaasi.

“Kaamirooyinka amniga si cad ayaa loogu arkayaa nin xiranaya jaakad madow oo sita boorso, waa nooca dhabarka lagu qaato oo qarxinaya bambkii uu watay, oo isla goobta ku dhintay.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Waxa kaloo uu yiri “Firirka qaraxa ayaa gaaray illaa soddon mitir, taasina waxay gaaraysaa halka dadka lagu baaro illaa xafiiska hore ee Xarunta Dhexe ee Booliska.”

Lix qof ayaa ku dhintay qaraxyadaasi oo saddex ka mida ay yihiin raggii weerarka fuliyay. Saddexda qof ee kale, laba ka mida waa askar.

Booliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in 33 qof oo kale oo rayid ay ku jiraan inay qaraxyadaasi ku dhaawacmeen, xaaladoodana lagula tacaalayo goobaha caafimaadka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, balse Dowladda Uganda ayaa ku eedeysay koox xagjir ah oo lagu magacaabo Allied Democratic Forces (ADF).

Bishii hore ayay ahayd markii laba qarax ay ka dhaceen dalkaasi. Mid ka mida qaraxyadaas ayaa ka dhacay goob lagu caweeyo oo ku taala Caasimadda Kampala.

Qaraxyada ku soo badanaya dalkaasi ayay dadka reer Uganda uga hadlayaan barraha bulshada, iyagoona su’aal gelinaya waxa ay tani ka dhigan tahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com