Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee maanta kormeeray Xarunta Guddiga Doorashooyinka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.
Ra’iisal Wasaaraha oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sidoo kale kormeeray qaybta kale ee Xarunta Amniga Doorashooyinka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa intii uu kormeerkiisan ku guda jiray waxa uu warbixno ka dhageystay Guddiyada Doorashooyinka iyo Amniga Galmudug.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa kormeerkiisan ugu kuurgelayay u diyaargarowga howlaha doorashooyinka, waana xilli uu Galmudug u jooggo dardargelinta arrimaha doorashooyinka ee dalka.











