RW Rooble oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka Galmudug (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Guddiga Doorashooyinka Galmudug.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa guddigaasi la wadaagay muhiimadda ay leedahay in guddiga ay si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta Xildhibaanimo ee yaala Galmudug.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa adkeeyay ballanqaadkii xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi-socodka doorasho daah-furan, laguna kalsoonaan karo, lana xaqiijinayo qoondada haweenka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo danta guud, diiradana la saaro qabsoomidda doorashada.

Rooble ayaa xusay masuuliyadda hufnaanta iyo la xisaabtanka Guddiyada Doorashooyinka uu mudnaan siinayo, isagoo kula dardaarmay Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka in ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyay.

Rooble waxaa kulankan ku wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Guddoonka Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Xalinta Khilaafaadka.

May be an image of 1 person, sitting, wrist watch and indoor
May be an image of 7 people, people sitting and people standing
May be an image of 4 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 2 people, people sitting and indoor
May be an image of 1 person, sitting, wrist watch, suit and indoor
May be an image of 3 people, people sitting and indoor
May be an image of 1 person, eyeglasses and indoor
May be an image of 4 people, people sitting and indoor

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com