Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa goor dambe oo xalay ahayd gaaray Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Afrika ku maraya booqasho uu ku kala bixinayo dalalka Kenya, Nigeria iyo Senegal.
Antony Blinken ayaa Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta kala hadli doono arrimaha amniga ee gobolka, gaar ahaan colaadda Itoobiya iyo xiisadda siyaasadeed ee dalka Suudaan.
Antony Blinken ayaa bartiisa Twitter-ka ku daabacay qoraal u qornaa “Waxaan ku faraxsanahay inaan joogno Kenya, oo ah qaran aan leenahay saaxiibtimo qoto dheer oo soo jireen ah. Annaga oo rajeynayna in aan la kulano Madaxda Dowladda iyo qaybaha bulshada, si aan uga wada hadalno danaha aan wadaagno, oo aan xaqiijino iskaashiyaga istiraatijiyadeed.”
Blinken ayaa inta uu ku guda jiro booqashadiisan waxa uu xoojin doonnaa xiriirka iskaashiga ee Mareykanka kala dhaxeeya Afrika, wax ka qabashada COVID-19, dib-u-dhiska dhaqaalaha ee dalalka qaaradda ee fayriskaasi uu sameeyay, dib-u-soo-noolleynta dimoqraadiyadda iyo horumarinta nabadda & amniga.



Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com