Ciidamada Kenya oo heegan la geliyay, ka dib qaraxyadii Kampala

Dowladda Kenya ayaa heegan gelisay ciidamadeeda, ka dib qaraxyadii mataanaha ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Ciidamada Kenya ayaa adkeeyay dhaqdhaqaaqa xuduudaha iyo amniga magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

Farriin ka soo baxday Taliska Booliska Kenya ayaa dadweynaha loogu baaqay inay feejignaan muujiyaan, ciddii ay ka shakiyaana ay ku soo wargeliyaan xarumaha laamaha amniga ee ugu dhow.

Dhawaan ayay ahayd, markii Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu hay’adaha ammaanka faray inay feejignaan dheeri ah muujiyaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com