Galmudug oo 3 maalmood ku iclaamineysa doorashadii ugu horeysay ee Golaha Shacabka

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ayaa xalay sheegay in muddo saddex maalmood gudahood ah ay ku iclaamin doonaan doorashada shanta kursi ee ugu horeysa ee Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlayay casho sharaf uu Xarunta Madaxtooyada Galmudug ugu sameeyay wafdiga Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa hadalkan kaga dhawaaqay.

“Galmudug Doorashada Golaha Shacabka way galaysaa, waxaana rajeynayaa inaan caddeeyo shanta kursi ee ugu horeysay waa calaameysan yihiin, waa la soo deynayaa. Guddiyada Doorashada inay berri iclaamiyaan, illaa saddex berri gudahood waa soo baxaysaa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa soo dhaweeyay hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Qoorqoor, isagoona Dowlad Goboleedyada kale ugu baaqay inay si dhakhsa ah u bilaabaan Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

“Howlihii aan u imid Galmudug ee arrinta doorashadu ugu muhiimsaneyd waxay ku dhammaadeen guul. Waan ku ammaanayaa Madaxweyne Qoorqoor in uu xilli dhow u qabtay bilaabista Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka. Dowlad Goboleedyada kalena waxaan ka codsanayaa in ay dhakhso u bilaabaan.” Ayuu yiri Rooble.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday muddada ka harsan sanadkan soo socda ee 2022 in lagu soo geba-gabeeyo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

May be an image of 4 people, people sitting, people standing and suit
May be an image of one or more people, people sitting and people standing
May be an image of 3 people and people sitting
May be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 3 people, people sitting and indoor
May be an image of 5 people, people sitting and people standing
May be an image of 2 people, people sitting and outdoors
May be an image of 3 people, people sitting and indoor
May be an image of 6 people, people sitting and people standing
May be an image of 3 people
May be an image of 5 people, people sitting, suit and indoor
May be an image of 5 people, people sitting and people standing

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com