Galmudug oo gudbisay shanta kursi ee ugu horeysa Golaha Shacabka

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa maanta shaaciyay shanta kursi ee ugu horeysa ee Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwooda ay deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Guddiga Doorashada ayaa sheegay inay guda gelayaan diiwaangelinta odayaasha, ergada iyo bulshada rayidka, doorashada kuraastaana ay qaban doonaan maalmaha soo socda.

Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Axmed Aadan Safiina ayaa sheegay in Galmudug ay tahay maamulkii ugu horeeyay ee bilaaba qabashada Doorashada Golaha Shacabka.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay Dowlad Goboleedyada kale ugu baaqay in si dhakhsa ah ay ku bilaabaan Doorashada Golaha Shacabka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com