Guddiga Doorashooyinka oo kulan ka leh kursiga uu baneeyay Senator Dhagey

Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo ka tirsan Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay inuu xilkaasi iska casilay.

Senator Yuusuf Geelle Ugaas ayaa xilka dib loogu doortay 12-kii bishii August, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Senator Dhagey ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay, si uu beeshiisa uga dhex abuuro jewi siyaasadeed oo caafimaad qaba.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa kulan ka yeelanaya kursiga uu baneeyay Senator Dhagey, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Guddiga, Axmed Aadan Safiina.

Axmed Safiina ayaa sheegay, haddii Madaxweynaha Galmudug uu u soo gudbiyo kursiga uu baneeyay Senatorkaasi ay dib u qaban doonaan doorashadiisa.

Sabtidii la soo dhaafay ayaa la soo geba-gabeeyay Doorashada Senatorada Aqalka Sare oo 54 xubnood ka kooban, iyadoona uu Senator Dhagey noqonayo Senatorkii ugu horeeyay ee xilkaasi iska casila.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com