Rooble oo baaq u jeediyay ummadda Soomaaliyeed (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada ee Galmudug, xilli uu garab fadhiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadanimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira qaybo ka mida deegaanada Galmudug.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo caalamkaba ugu baaqay inay gacan ka gaystaan, sidii looga hortaggi lahaa abaaraha ku sii baahaya dalka.

“Waxaan rabaa inaan halkan codsi uga jeediyo ummadda Soomaaliyeed in loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo ku aaddan, sidii looga qayb qaadan lahaa samafalka dhibaatooyinka ay wataan abaaraha billaha soo socda inagu soo aaddan.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan halkan uga soo jeediyo Beesha Caalamka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay jooggaan, gude iyo dibadba inay u soo gurmadaan dadkoodii iyo dalkoodii, kana badbaadiyaan abaartaa dhibka badan wadata ee nagu soo fool leh. Ilaahayna waxaan ka baryaynaa gacantiisaa na deeqdo, inuu ummaddiisa il naxariis ah ku eeggo.”

Rooble ayaa intaa ku daray “Waxaan mar kale ku soo celinayaa waxaa loo baahan yahay gurmad degdeg ah, sidii looga hortaggi lahaa abaarahaan, loogana hortaggi lahaa inay dad badani ka barakacaan goobahoodii, iyagoo raadinaya biyo iyo baadba.”

May be an image of 10 people and indoor
May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of 11 people, people sitting and people standing
May be an image of 2 people, people standing and indoor
May be an image of 8 people and people standing
May be an image of 15 people, people standing and indoor
May be an image of 3 people and people standing
May be an image of 2 people and people standing

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com