Faah faahin: Dad badan oo ku dhintay qaraxii Berdaale + SAWIRRO

Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa Jimcihii maanta ka dhacay Degmada Berdaale ee Gobolka Baay. Berdaale ayaa 50km u jirto Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay Suuqa Weyn ee Berdaale, gaar ahaan qaybta qaadka lagu iibiyo, xilli ay dad badani ku sugnaayeen.

Mursal Aadan oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa lagu dhex aasay maqaaxi lagu shaaho oo suuqaasi ku taala.

Suuqan ayay maalmaha Jimcaha aad uga adeegtaan dadka reer miyiga, oo isaga kala yimaada deegaanada ka baxsan degmadaasi. Jimcaha ayaana la tilmaamaa mid ka mashquul badan maalmaha kale ee toddobaadka.

Maxamed Isaaq Xasan (Caracase), Gudoomiyaha Degmada Berdaale ayaa xaqiijiyay in toddobo qof ku dhimatay qaraxaasi, kow iyo toban kale ay ku dhaawacantay, kuwaa oo dhammaantood rayid ah.

Gudoomiyaha ayaa xusay in qaar ka mida ah dadka ku dhaawacmay qaraxaasi ay xaaladoodu liidato.

Inkastoo aanay jirin cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, haddana Gudoomiye Caracase ayaa dusha kaga tuuray maleeshiyada Al Shabaab.

Dhanka kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa falkan ku tilmaamay yoolka foosha xun ee Shabaabku ku leynayaan shacabka Soomaaliyeed,

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimageedada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun ee salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan dadkeenna iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diidan yihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed.” Ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen oo warkan ku sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Qaraxan ayaa noqonaya kiisii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca degmadaasi, tan iyo intii Al Shabaab lagala wareegay, muddo sideed sano laga jooggo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com