Axmed Madoobe oo xalay ku caweeyay hotel ku yaala Garoowe (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay bulshada ku dhaqan Magaalada Garoowe qaybteed kula caweeyay Hotel Martisoor ee magaaladaasi.

Madaxweynaha oo watay gaari nooca aysan rasaasta karin ayaa tegay hotelkaasi, oo ay ku soo dhaweeyeen xubno uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Madaxweynaha ayaa intaasi ka dib bilaabay in uu waqti la qaato qaar ka mid ah dadka deegaanka, oo ku caweynayay hotelkaasi.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tan iyo Isniintii ku sugan Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland. Warbaahinta ayaa fahamsan in uu magaaladaasi u jooggo arrimo la xiriira doorashooyinka dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com