Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga Maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) shaacinta 11-ka kursi ee ugu horeeyay ee Golaha Shacabka ee Koonfur galbeed, kuwaas oo dhawaan la qaban doono doorashadooda.

Sida ay isku waafaqeen Golaha Wadatashiga Qaran kulankoodii ugu dambeeyay ee ay ku yeesheen aaladda fogaan arraga 11-kii bishan November, Doorashada Golaha Shacabka waa in lagu soo geba-gabeeyaa muddo bil ah oo ka bilaabaneysa 20-ka November kuna eg 20-ka December, sidaa awgeed Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku boorinayaa Dowlad Goboleedyada kale ee iyaguna ku jira diyaargarowga in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u bilaabaan, si looga fogaado dib u dhac kale oo hor leh, sidoo kale waa in qabashada doorashadu ay noqotaa mid xiriirsan oo aan kala go’ lahayn, sidii dhacday Doorashadii Aqalka Sare oo waqti dheer qaadatay.
Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay jooggaan in ay garab istaagaan Guddiyada Doorashooyinka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, si doorashadu ay u noqoto mid hufan, daah-furan oo xalaal ah.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com