Shuruudaha laga doonayo musharaxiinta Golaha Shacabka ee Galmudug oo la shaaciyay

Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed Galmudug ayaa shaaciyay shuruudaha laga doonayo musharaxiinta u tartamaysa shanta kursi ee tirsigooda la shaaciyay, Khamiistii.

Guddiga ayaa warsaxaafadeed ku soo bandhigay shan qodob oo laga doonayo dhammaan musharaxiinta, rag iyo dumarba.

Qodobada shuruudaha ayaa kala ah:-

1- In uu yahay muwaadin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, dhimirkiisu u dhan yahay, da’diisu ka yarayn 25 sano, aan xuquuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shantii (5) sano ee ugu dambeysay.

2- In uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.

3- In uusan ka tirsanayn ama wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah.

4- In uu haysto warqadda dembi la’aanta ee Hay’adda Dembi Baarista (CID) ee Galmudug.

5- Musharax kasta oo u tartamaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwaangelinta, kuna shubaa xisaabta bankiyada ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Musharaxiinta ragga ee u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysaa $10,000 (Toban kun oo dollar), musharax kasta, dumarkana waa $5,000 (Shan kun oo dollar). Lacagta diiwaangelinta musharaxiinta dib looma celinayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com