Cabdicasiis Afrika oo lagu aasay Magaalada Muqdisho

Alle ha u naxariistee waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay Agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Cabdicasiis Afrika) oo xalay lagu dilay weerar ismiidaamin ah.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay gaari nooca raaxada oo uu watay Cabdicasiis Afrika, waxaana soo gaaray dhaawac culus oo wax yar ka dib uu u geeriyooday.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaasi, sababta ay u beegsadeen ninka Wariyaha ah ayay ku sheegeen, iyagoo u haysta dilal loo gaystay xubno iyaga ka tirsanaa.

Salaadda Janaasada ayaa meydka marxuumka lagula tukaday Masaajidka Shuhadaa ee Madaxtooyada Somaliya, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin uu ugu sareeyay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Marxuum Cabdicasiis Afrika ayaa markii dambe lagu aasay xabaale ku yaala Isbitaalka Xoogga ee Degmada Hodan, iyadoo ay aaskiisa ka qaybgaleen xubno ka tirsan Dowladda Federaal, Wariye-yaal iyo eheladiisa.

Wariye Cabdicasiis Afrika ayaa wareysan jiray xubnaha laga soo qabto Al Shabaab, isagoona ku soo qaadan jiray barnaamijkiisa Gungaar.

May be an image of 10 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 8 people, people standing and indoor
May be an image of 4 people, people standing and indoor
May be an image of 3 people and people standing

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com