RW Rooble oo la kulmay ganacsatada Soomaaliyeed (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa fiidkii Magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxa uu ganacsatada ka codsaday in qayb lixaad leh ka qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Qoraalka ayaa u qornaa “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ka codsaday in ay qayb lixaad leh ka qaataan gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed, ee ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay qaybo badan oo dalka ah.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddiga Gurmadka abaaraha ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisal Wasaaruhu, isagoo faray in ay dardargeliyaan howsha gurmadka.”

Gobolada Koonfurta & Bartamaha qaybtood ayaa laga soo sheegaya abaaro baahsan, iyadoona Qaramada Midoobey ay Jimcihii ka digtay in saamaynta abaartu kordhi doonto sanadka soo socda ee 2022.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com