Nin dhallinyaro ahaa oo lagu dhex dilay hoygiisa Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay hoygiisa ku dhex dileen nin dhallinyaro ahaa, oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Dhacdadan ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacday xaafadda Jamhuuriya ee degmadaasi, ka dib markii kooxahaasi ay u dhaceen hoygiisa, ka dibna ay rasaas huwiyeen.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Geesey Carab Yalaxow ayaa laga garanayay xaafadaasi.

Ma cadda ujeedada ka dambeysa dilkiisa, iyadoona ay goobtaasi ka baxsadeen kooxihii hubeysnaa ee hoygiisa ku weeraray.

Maamulka Degmada Kaaraan iyo laamaha amniga ayaan weli ka hadlin dilkan ugu dambeeyay ee ka dhacay degmadaasi.

Maalmihii ugu dambeysay dilalka ay gaysanayaan kooxaha hubeysan ayaa ku soo badanayay Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com