Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ka daahfuray Shirweynaha Amniga ee Galmudug.
Shirka oo ay ka qaybgaleen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Shirweynaha ayaa socon doona muddo 2 maalmood ah, waxaana diiradda lagu saari doona amniga guud ee Galmudug, amniga doorashooyinka iyo arrimaha Garsoorka iyo Cadaaladda..
Shirka ayaa ku soo aadaya, xilli Xoogaga Ahlu Sunna ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan deegaano hoos-tagga Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.










Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com