Cumar Cabdirashiid oo ka digay waxa uu ku sheegay doorashada xanuunsan

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya ayaa sheegay xagal-daacinta lagu hayo doorashada inay mustaqbalka saamayn ku yeelan karto dowladnimada dalka.

“Haddii aad hesho cunto wasakhaysan, ma jirto wax faa’iido ah oo aad ka baarto, keliya waad tuuraysaa. Habka doorasho ee cudurka qaba ee gacanta lagu hayo ayaa laga yaabaa inuu sumeeyo nidaamka dowladnimo ee mustaqbalka.” Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegaya taasi bedelkeeda in hannaan hufan oo doorasho lagu gaari karo in xilka si nabdoon loogu kala wareego.

“Bedelka hab maamuuska khaldan ee doorashada waxay noqon kartaa dariiqa keliya ee loo mari karo in si habsami leh oo nabdoon xilka loogu kala wareego.” Ayuu bartiisa Twitter-ka ku sheegay.

Ina Sharmaarke ayaa marar badan ku celceliyay in Somaliya ay u baahan tahay doorasho daahfuran, xor iyo xalaal ah.

Marxaladaha ku gadaaman doorashada sanadkan ayaa ka dhigaysa inay Somaliya wajaheyso doorashadii ugu adkeyd, tan iyo dib u yegleelidda dowladnimadeeda, muddo kow iyo labaatan sano laga jooggo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com