General Odawaa oo si diiran loogu soo dhaweeyay Taliska Guud ee Turkiga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo booqasho ku joogga Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa maanta la kulmay Taliyaha Ciidamada dalkaasi, General Yaşar Güler.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Xarunta Taliska Guud ee Ciidamada Turkiga, wada hadal laba geeseedna uu la yeeshay Taliyaha Ciidamada ee dalkaasi.

“Maanta oo Talaado, ah tariikhduna ay ku beegan tahay 23 November 2021, waxaan Magaalada Ankara kula kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga, Yasar Guler. Waxaa la igu soo dhaweeyay hab maamuus ciidan oo ka dhacday Xarunta Taliska Guud ee caasimadda dalka Turkiga, iyadoo intaas ka dib aan wada qaadanay shir laba geesood ah.” Ayuu yiri General Odawaa oo warkan ku sheegay bartiisa Facebook.

General Odawaa ayaan sheegin waxyaabihii ay ka wada hadleen dhiggiisa dalkaasi, balse qoraal lagu daabacay barta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in labada janan ka wada hadleen xoojinta xiriirka ciidan ee labada dal.

“Labada Taliye ayaa waxay ka wada hadleen, sidii loo xoojin lahaa xiriirka ciidan ee ka dhaxeeya labada wadan.” Ayaa qoraalka lagu sheegay.

Turkiga ayaa Dowladda Somaliya ka taageera dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo tayayntoodaba.

May be an image of 2 people, people standing, outdoors and monument
May be an image of 7 people, people standing, outdoors, monument and text that says 'AA'
May be an image of 4 people, people standing and outdoors
May be an image of 3 people, people standing and outdoors
May be an image of 5 people, people standing and outdoors
May be an image of 3 people, people standing, outdoors and text that says 'AA'
May be an image of 4 people, people standing, outdoors and text that says 'AA'
May be an image of 4 people, people standing, outdoors and text that says 'AA'

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com