Maareeye oo mar kale loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa mar kale loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, ka dib doorasho maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa maanta dib uga bilaabatay Caasimadda Muqdisho.

Maxamed Cabdi Xayir ayaa ku soo baxay kursiga uu tirsigiisu yahay HOP#225, ka dib markii uu tartanka kaga adkaaday Cabdiraxmaan Warsame Saciid oo la tartamayay.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi ayaa sheegay in Maareeye uu helay 96 cod, halka Cabdiraxmaan Warsame Saciid uu helay 3 cod oo keliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com