Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo ku wajahan furinta hore ee dagaalka

Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in uu hoggaamin doono dagaalka ka dhanka ah kooxaha fallaagada.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xalay sheegay laga bilaabo Talaadada maanta in uu teggi doono jiidda hore ee dagaalka, si uu u hoggaamiyo Ciidamada Federaalka ee dagaalka kula jira jabhadaha hubeysan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa warkan ku shaaciyay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa oo lala wadaagay dadweynaha dalkaasi.

Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa ah Abaanduulaha Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaasi, mana cadda waxa hoggaamintiisu ka bedeli doonto dagaalka ka socda dalkaasi.

Warka ka soo yeeray Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa imaanaya wax yar uun ka dib, markii Xubnaha Guddiga Fulinta Xisbiga Barwaaqo ay Magaalada Addis Ababa ku yeesheen kulan ay kaga arrinsanayeen xaaladda guud ee dalkaasi.

Dhanka kale Dowladda Federaalka ayaa dalkaasi ka waddo abaabul xoog leh oo Booliska Federaalka lagu gaynayo furinta hore ee dagaalka, waana xilli Booliska Federaalka ay u tababaran yihiin sugidda amniga magaalooyinka.

Qorshaha Dowladda Federaalka ay ciidamadaasi ku gayneyso jiidda hore ayaa u muuqato mid ay isaga qafiifineyso culeyska kaga imaanaya fallaagada ay TPLF horkaceyso.

Tani ayaa caqabad ku noqonayso dadaaladii caalamka uu xalka ugu raadinayay xabad joojinta, khilaafkana wada hadal loogu bedeli lahaa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com