Xildhibaan Amina Cumar Jaamac oo difaacatay kursigeeda Golaha Shacabka

Xildhibaan Amina Cumar Jaamac ayaa maanta mar kale loo doortay Xildhibaanad ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo maanta dib uga bilaabatay Magaalada Muqdisho ayaa waxay Xildhibaan Amina Cumar Jaamac ay kursiga #202 kaga guuleysatay Amina Cismaan Diiriye.

Amina Cumar Jaamac ayaa heshay dhammaan codadka ergadii wax codeynaysay oo tiradoodu ahayd 101 ergo, ka dib markii ay tartanka ka tanaasushay Amina Cismaan Diiriye, codeynta ay u dhacday qaab gacan-taag ah.

Xildhibaan Amina Cumar Jaamac ayaa noqonaysa haweeneydii ugu horeysay ee loo doortay Golaha Shacabka, ka dib markii Doorashada Golaha Shacabka ay 1-dii bishan ka bilaabatay Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com