Xildhibaano kale oo lagu doortay Magaalada Muqdisho

Xildhibaan Faadumo Xasan Cali ayaa mar kale loo doortay inay noqoto Xildhibaanad ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaan Faadumo Xasan Cali ayaa ku soo baxday kursiga uu tirsigiisu yahay HOP#210, Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee ka socota Magaalada Muqdisho.

Faadumo Xasan Cali ayaa noqonaysa Marwadii labaad ee loo doorto Golaha Shacabka, waxaana ka sii horeysay Xildhibaan Amina Cumar Jaamac oo isla maanta lagu doortay Caasimadda Muqdisho.

Maxamed Haaruun Cabdullaahi ayaa isna ku soo baxay oo ku guuleystay kursiga uu numberkiisu yahay HOP#208.

Kursigii ugu dambeeyay ee shanaad oo goor dhow la soo geba-gabeeyay ayaa waxaa ku guuleystay Axmed Cismaan Diiriye. Kursigan ayaa waxaa ku tartamayay shan musharax, laba ka mida waxay qaadaceen inay ka qaybgalaan tartanka doorashada, ka dib markii ay sheegeen in la bedelay ergadii ay garanayeen, goobtana la isugu keenay ergo, sida ay sheegeen aanay cidina ka garanayn.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com