Doorashada Golaha Shacabka ee Galmudug oo maanta ka bilaabanaysa Dhuusamareeb

Doorashada Golaha Shacabka ee Galmudug ayaa maanta lagu wadaa inay ka bilaabato Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Maamulka Guddiga Doorashada Galmudug ayaa sheegay laba ka mida shantii kursi ee Khamiistii la iclaamiyay in maanta lagu dooran doono Dhuusamareeb.

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeysay ku howlanaa diiwaangelinta iyo shahaado guddoonsiinta xubnaha musharaxiinta qaarkood.

Axmed Aadan Safiina, Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa dhankiisa sheegay in labadaasi kursi ay soo dhameystirmayn diiwaangelinta musharaxiinta ku tartamaysa iyo weliba ergada wax dooranaysa, iyadoona ergada la tababaray, sida uu yiri.

Axmed Safiina ayaa musharaxiinta u taagan labadaasi kursi ugu baaqay in sagaalka (9:00) subaxnimo ee maanta ku soo xaadiraan hoolka doorashada ee Dhuusamareeb.

“Labadaas kursi waxaan codsanayaa musharaxiinta ku tartamaya inay sagaalka subaxnimo ku soo diyaargaroobaan hoolka doorashada ee Magaalada Dhuusamareeb.” Ayuu yiri Axmed Safiina oo intaasi ku daray “Labada kursi oo kala ah HOP#26 iyo HOP#104.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com