Laba Xildhibaan oo maanta lagu doortay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraastii ugu horeysay ee Golaha Shacabka ku metelaya Maamulka Galmudug.

Waxaa maanta magaalada lagu doortay laba Xildhibaan oo kala ah Mahad Cabdalla Cawad iyo Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey).

Doorashada maanta ayaa ka dhigeysa Galmudug Maamul Goboleedkii ugu horeeyey ee qabta Doorashada Golaha Shacabka. Horey waxaa Magaalada Muqdisho loogu doortay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com