Rooble oo la dardaarmay Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro), oo uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Gudoomiyaha kula dardaarmay toosinta iyo hufnaanta Doorashada Golaha Shacabka, iyadoo laga fogaanaya in cid gaar ahi lagu xadgudbo.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Mudane Maxamed Xasan Cirro, oo uu kala hadlay toosinta iyo hufnaanta Doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya iyo xaqiijinta in aan cidna lugu xadgudbin.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Rooble.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com