Abiy Ahmed oo la sheegay in dagaalka uu hoggaaminayo

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa si rasmi ah ugu biiray furinta hore ee halka ciidamadiisa ay kula dagaalamayaan mucaaradka ka soo jeeda Gobolka Tigray.

“Abiy waxa uu hadda hogaaminayaa weerar celiska, wuxuuna hagayey dagaalka shalay.” Waxaa sidaas sheegtay Warbaahinta Dowladda ee FANA.

Ma cadda halka uu dagaalka kaga jiro Abiy Ahmed oo horey uga tirsanaa militariga, sidoo kalena ah Abaanduulaha Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaasi.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo ka jawaabeysa wararka sheegaya in Abiy uu tegay furinta dagaalka ayaa ka digtay in dagaalka Itoobiya “uusan laheyn xal militari.”

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan hadallada dagaal iyo dab hurinta ah, oo ay adeegsadaan is-xakameyn, ilaaliyaan xuquuqda aadanaha, shacabkana badbaadiyaan.” Waxaa sidaas yiri Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Ned Price.

Hadalka Abiy uu Isniintii ku sheegay inuu teggi doono furinta dagaalka ayaa “kuwa badan ku dhiirigelisay inay ku biiraan ololaha bad-baadada,” ayay FANA ku warantay.

Boqolaal ciidamo cusub ah ayaa Arbacadii ka qaybgalay xaflad lagu soo dhaweynayay oo ka dhacday Degmada Kolfe ee Magaalada Addis Ababa.

“Marka hoggaamiyaha uu ka tago kursigiisa iyo carshigiisa, waa inuu dalka badbaadiyo,” waxaa sidaas AFP u sheegay Tesfaye Sherefa, oo ah 42 jir darawal ah.

Feyisa Lilesa oo orodyahan Itoobiyaan ah oo bilad qalin ah ku guuleystay cayaaraha olombikada ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in soo siqitaanka mucaaradka “ay tahay fursad weyn” oo dalka lagu difaaco.

Dhinaca kale, diblomaasiyiinta caalamiga ah iyo shaqaalaha hay’adaha ayaa k asii baxaya Addis Ababa, ayaga oo ka cabsi qaba inay mucaaradka qabsadaan, kuwaasi oo ku soo dhowaanaya magaalada.

VOA.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com