Weerar ismiidaamin oo ka dhacay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ahaa, oo saaka ka dhacay Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Ismiidaaminta ayaa ka dhacday inta u dhaxeyso Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Isgoyska KM4.

Inta laga warqabo sideed qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay qaraxaasi, halka 17 kalena ay ku dhaawacantay, kuwaa oo arday ay ku jiraan.

Qaraxa ayaa burbur u gaystay Dhismaha Iskuulka Mocaasir oo ku taala goobta uu qaraxu ka dhacay, sidoo kale gawaarida iskuulkaasi ayay waxyeelo ka soo gaartay qaraxa.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxan ayaa sheegay inay la beegsadeen kolonyo ay la socdeen Saraakiil Caddaan oo tababareyaal ah, oo markaasi ka soo baxay Xerada General Gordon oo ku taala Waddada Warshadaha.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in weerarka loo adeegsaday gaari SURF ahaa, oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Bishan November ayaa Magaalada Muqdisho laga dareemay in ay aad ugu soo kordheen falalka amni-darada, oo qaraxyada ay ugu horeeyaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com