Yaasiin Farey, nin dooran oo lagu doortay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Somaliya waxaa weli ka socda doorashooyinka kuraasta Golaha Shacabka, waxaana maanta Magaalada Dhuusamareeb lagu doortay laba Xildhibaan oo uu ka mid yahay Yaasin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey), oo hadda ah Taliyaha KMG ee Hay’adda NISA.

Yaasiin Farey ayaa helay 68 cod, iyadoo ninka la tartamayay Maxamuud Cali Culusow uu helay 20 cod, halka 3 cod ay halaabeen.

Yaasiin Farey ayaa noqonaya Sarkaalkii ugu horeeyay ee Ciidanka Dowladda ka tirsan oo jago sare haya oo loo soo doorto Xildhibaan.

Farey ayaa ku guuleystay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP067, kaasoo uu muran xoogan hareeyay. Maamulka Galmudug iyo Guddiga Doorashadaba waxaa lagu eedeeyay in ergo aan sharci ahayn ay u soo xareeyeen ninkaasi, ayna soo doorteen.

Sidii la qiyaasayayba Taliye Farey ayaa xoogay kursigan oo horey uu ugu fadhiyay Xildhibaan Caddow Cali Gees.

Kursiga labaad oo tirsigiisu ahaa #HOP043 ayaa waxaa sidii la fillayayba ku soo baxay Xuseen Yuusuf Qaasim (Xuseen Iidow).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com