Maxamed Mursal oo dib loogu doortay xubinimadiisa Golaha Shacabka

Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ka bilaabatay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Saddex kursi oo maanta lagu wado in lagu doorto Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kursiga 1aad ku soo baxay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Maxamed Mursal oo u sharaxnaa kursiga #HOP182 ayaa waxaa kula tartamayay musharax lagu magacaabo Faysal Ibraahim.

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Maxamed Mursal uu helay 88 cod, iyadoo musharaxii la tartamayayna aanu helin wax cod ah, halka 12 codna ay halaabeen.

Maxamed Mursal ayaa la sii saadaalinayay in uu difaacan doono xubinimadiisa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

May be an image of 3 people, people sitting and people standing
May be an image of 5 people, people sitting and indoor
May be an image of 4 people, people standing and indoor
May be an image of 5 people, people sitting and people standing
May be an image of 6 people and people sitting
May be an image of 6 people, people sitting and people standing
May be an image of 2 people, people standing and indoor
May be an image of 8 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of indoor
May be an image of 4 people, people standing and indoor
May be an image of 4 people, people standing and indoor
May be an image of 5 people, people standing and indoor

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com