Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Prof. Maxamed Cabdullaahi Ciise u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu ku kalsoon yahay Agaasimaha cusub in shaqada loo igmaday uu ka soo dhalaali doono.
“Waxaan Prof. Maxamed Cabdullaahi Ciise u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Waxaan ku kalsoonahay inuu howshan uga soo dhalaali doono si hufan. Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dowladda inay si dhaw ugu gacan siiyaan gudashada waajibaadka shaqo ee horyaalla.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Agaasimaha cusub ayaa bedelaya Agaasimihii hore ee Madaxtooyada, Cabdisaciid Muuse Cali, kaasoo 20-kii bishan loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com