Warbaahinta Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay muuqaalo muujinaya Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo ku sugan furinta hore ee dagaalka, tan iyo markii uu Isniintii ku dhawaaqay inuu hoggaamin doono Ciidamada Difaaca Qaranka ee dagaalka kula jira kooxaha fallaagada.
Muuqaalada ayaa waxaa ka soo muuqday Ra’iisal Wasaaraha oo ku labisan dharka Ciidamada Qaranka, kuna sugan furimaha dagaalka ee deegaanka Canfarta, oo ka mid ah goobaha ay dagaaladu ka socdaan.
Ra’iisal Wasaaraha oo wata raadiyaha ay ciidamadu ku wada xiriiraan ayaa sheegay in ciidanku ay guulo ka gaareen dhinaca Canfarta, ka dib markii kooxaha fallaagada ay kala wareegeen degmooyin ay ku sugnaayeen, xilli ay ku hanjabeen inay goyn doonaan waddada xiriirisa Itoobiya iyo Dekedda Jabuuti.
“Dhinacayga dambe waxaad ka aragtaan buuraha oo dhufeys adag u ahayd cadowga, waxaan isku horfadhinay illaa iyo shalay, haatana si buuxdo ayaan ula wareegnay.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.
Sidoo kale waxa uu sheegay in niyadda ciidamadu ay tahay mid aad u sarreysa, dagaalkana uu xilligan ugu fadhiyo wax weyn.
“Niyadda Ciidamada Qaranka waa mid aad u sarreysa, dagaalku haatan waxa uu inoogu kacayaa wax weyn, waxa aan qabsanay Kasagita, maantana waxaan la wareegaynaa Chifra iyo Burka. Waana sii wadaynaa dagaalka, illaa iyo inta Itoobiya oo dhan aan madaxbannaanideeda ka xaqiijinayno.” Ayuu yiri Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa yiri “Waxa aynu doonayno waa Itoobiya cagaheyda isku taagta, inaga oo naf hurnimo samaynayna, nolol iyo geeriba, mar walbana waxa aan ahaanaynaa Itoobiyaan. Waxa aynu ku kalsoonahay inaan taasi ku keeni karno oo keliya guul.”
Waxa uu intaa ku daray in dadka reer Itoobiya ay ku garab taagan yihiin dagaalka, kaalintooduna ay tahay inay galaan jiidda dagaalka, si ciidamada ugu hoggaamiyaan guusha.
“Dadkayagu way ina garab taagan yihiin, ha jooggaan dal iyo dibadba, waxayna isu geeyeen dhawaqooda iyo awoodoodaba. Sidoo kale aqoonyahanada codkooda bannaanka ayay iyaguna keeneen. Doorkayaga waa inaanu galnaa furinta hore ee dagaalka, si aynu ciidamadayna ugu hoggaamino guusha.” Ayuu yiri Abiy Ahmed.
Ra’iisal Wasaare Abiy ayaa ku hanjabay inay dagaalka sii wadi doonaan, fallaagaduna aysan lahayn awood ay ugu babacdhigaan ciidamada.
“Waad aragtaan in hal maalin ayaan guul weyn ku soo hoynay, berrina sidaan ayaanu dagaalka u sii wadaynaa. Cadowgayna malahan awood uu ugu babacdhigo culeyska iyo dharbaaxada aanu ku dhufanayno, waana ku guuleysan doonnaa dagaalka, waxayna ubadkayaga inaga dhaxli doonaan dhul xor oo barwaaqo ah, waana taas sababta aynu halkan u joogno, natiijada soo baxeysana waa mid wanaagsan.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Abiy.
Caalamka ayaa walaac ka muujiyay dagaalka sii xoogeysanaya ee dalkaasi ka socda, haddii ay tani caqabad ku noqoneyso dadaaladii ay ku doonayeen in xabad joojinta ku kala dhex dhigaan dhinacyadaasi.




Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com