Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq ayaa walaac ka muujiyay xaaladda bani’aadanimo ee dalka ka jirta, kana dhalatay abaaraha sii baahaya ee ka jira qaybo ka mida dalka.
Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq ayaa marka hore sheegay in xaaladan oo kale marka ay dhacdo in dadku samayn jireen Alle barri iyo roobdoon.
“Waxaan rabaa inaan baaqaan u soo gudbiyo dadka waxgaradka, xilkaska, ahlu iimaanka ee ahlu diinka ee Soomaalida ah. Sidaan oo kale markii masiibada abaarta ay timaado, horta waxa ugu horeeyo ee la samayn jiray waa in Alle la baryo oo la roob doono, inta ardayda la bixiyo Ilaahay gacmaha loo hoorsado, oo la yiraahdo Rabiyow roob iyo barwaaqo na sii. Marka Culima’udiinka Soomaaliyeed, Imaamyada Masaajidda iyo Macalimiinta Dugsiyada inay horta ducadii iyo Alle barigii bilaabaan, Ilaahay inuu abaarta, colaadda iyo dhibaatada Somaliya ku raagtay uu naga dulqaado.” Ayuu yiri Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq oo Universaltv la hadlay.
Suldaan Mahdi ayaa dadka Soomaaliyeed, dal iyo dibadba ugu baaqay inay u istaagaan, sidii gurmad ay ku gaarsiin lahaayeen dadka ay abaaruhu saameeyeen.
“Dadka muxsiniinta ee Soomaalida ah, sida ganacsatada, jaaliyadaha dibadda iyo kuwa gudaha joogga, waxaan la socodsiinayaa in abaarta dalka ka jirta ay ka sii dareyso. Qofka Soomaaliga ah ee maanta u dhibaateysan biyo yar oo xoolihiisii iyo naftiisii ku noolleeyo u dhimanayo, haddaan u dadaalno oo wax isugu dardarno waa la badbaadin karaa shacabkaasi dhibaateysan.” Ayuu yiri Suldaan Mahdi.
Waxa kaloo uu yiri “Shirkadaha waaweyn, ganacsatada, qurbajoogta, Dowlad Goboleedyada, Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha ku shaqada leh, haddi ay arrintaasi u kacaan waxaan is leenahay shacabkaasi Soomaaliyeed ee abaartu ku dhacday gurmad way heli karaan, Ilaahayna ha badbaadiyo, naxariistiisaa na deeqdee.”
Suldaan Mahdi ayaa abaarta ku tilmaamay mid uu Alle addoomadiisa ku imtixaamayo, waxaana loo baahan yahay sida uu yiri inaan dhexdayna isu naxariisano.
“Baaqaygu waxa uu ku socdaa dhammaan inta Soomaalida ah ee wax haysata, iimaankana uu ku dambeeyo in maanta Soomaalinimo iyo Ilaahay dartiis la isugu gurmado, waxna la isugu qabto. Maanta dadkayaga dhibaateysan ee biyo iyo baad haysan oo xoolihii iyo duurjoogtiiba ay la’anayaan oo maalin kastana aan sawirradoodii arkayno ayagoo daadsan, inaan ummadda xusuusiyo in arrintaas ayada ah uu Ilaahay nagu fiirinayo amaba imtixaamayo, si aan dhexdayna isugu naxariisano. Marka la isku gurmado, dadkana ha loo gurmado, Ilaahayna gargaarkiisa degdeg ah ha siiyo.” Ayuu yiri Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq.
Somaliya ayaa waxaa abaaraha u sii dheer dagaalka soddonka sano ka socda, fatahaado iyo koran-korada ayaxa ee mararka qaarkood cagta marinaya dalagyada beeraha.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com