Kursigii Jawaari u sharaxnaa ee dib loo dhigay oo Baydhabo lagu doortay

Waxaa maalintii labaad Magaalada Baydhabo ka socota Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Illaa afar kursi ayaa maanta lagu wadaa in lagu doorto Magaalada Baydhabo, iyadoo illaa iyo hadda laba kursi la doortay. Mid ka mida kuraasta la doortay waa kursigii shalay la amray in dib doorashadiisa loo dhigo, ka dib markii Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu cabasho u gudbiyay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa Sabtidii Maamulka Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed faray inay joojiyaan doorashada kursigaasi, illaa amar dambe, ha yeeshee ay ku gacan-seyreen.

Kursigan oo tirsigiisu ahaa #HOP103 ayaa waxaa ku tartamay Maxamed Cali Xasan oo ah Wasiirka Howlaha Guud Koonfur Galbeed iyo musharax kale oo la yiraahdo Mukhtaar Cali Ibraahim, waxaana sidii la fillayayba ku guuleystay Maxamed Cali Xasan, oo codadkii la dhiibtay helay 78 cod, halka Mukhtaar Cali Ibraahim uu helay 18 cod.

Doorashadan waxay imaanaysaa, xilli Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ay Arbacadii Prof. Jawaari u diideen shahaadada musharaxnimadiisa Golaha Shacabka.

May be an image of 5 people, people sitting and people standing
May be an image of 4 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 2 people, people standing and indoor
May be an image of 6 people and people standing
May be an image of 4 people, people sitting and people standing
May be an image of 3 people, people sitting, people standing, suit and text that says 'HOPE# 103'
May be an image of 4 people, people sitting, wrist watch, suit and indoor
May be an image of 5 people, people sitting and suit
May be an image of 2 people and suit

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com