Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar).

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in labada dhinac ka wada hadleen arrimo badan, oo xaaladaha gobolka ka jirana ay qayb ka yihiin.

“Waxaanu ka wada hadalnay waxyaabo badan, oo ah waxyaabaha ka dhaxeeya labada shacab iyo labada dowladood, waxaana si buuxdo uga wada hadalnay ganacsiga, nabadgelyada iyo xaaladaha ka jira Geeska Afrika, hadba sida ay noqon doonaan, oo aanu si dhow u wada eegi doono, si fiican baana iskula afgaranay qodobadii aanu ka wada hadalnay. Aad iyo aad baan ugu mahadcelinaynaa Dowlad Deegaanka iyo Dowladda Itoobiya, xiriirka dhow ee aanu leenahay.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiir Koore oo Warbaahinta la hadlayay ayaa intaasi ku daray “Jamhuuriyadda Somaliland fekerkeedu ku saleysani waxaa weeye wada noolaasho iyo nabad dadka ku nool Afrika iyo caalamkuba, gaar ahaan Geeska Afrika inaanu ku wada noolaano, aad iyo aad baana u soo dhaweynaynaa feker kasta, oo ay la yimaadeen, meel fiican baanu isla dhignay.”

Wasiirka Howlaha Guud ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, Cabdiraxmaan Iid Daahir ayaa dhankiisa sheegay in ay sii xoojinayaan iskaashiyo socday, oo ay horey labada dhinac u wada bilaabeen.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Cagjar ayaa Sabtidii gaaray Somaliland, waana safarkiisii labaad uu sanadkan ku yimaado Somaliland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com