RW Rooble oo la kulmay Golaha Midowga Musharaxiinta (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Golaha Midowga Musharaxiinta ee mucaaradka, oo si weyn uga horyimid qaabka ay ku socoto Doorashada Golaha Shacabka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo kulankan lagu faah faahiyay ayaa u qornaa “Kulan ay maanta isugu yimaadeen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa wax ay uga wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka.

Midowga Musharaxiinta ayaa walaac weyn ka muujiyay daahfurnaan la’aanta ka jirta doorashooyinka dalka ka soconaya iyo sida aanay raali uga noqon karin habka ay iminka wax u socdaan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Madaxda Musharaxiinta uga warbixiyay dadaalkiisa joogtada ah ee la xariira xaqiijinta hufnaanta doorashada, waxa uuna la wadaagay inuu faray Guddiyada Doorashada in ay waajiboodkooda u gutaan si waafaqsan habraacyadii lagu heshiiyay ee doorashooyinka.

Ra’iisal Wasaaraha isaga oo texgalinaya tabashooyinka la xiriira daahfurnaanta doorashooyinka, ee ay muujiyeen Midowga Musharaxiinta, dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka ayaa waxa uu ballanqaaday in Golaha Wadatashiga Qaranka uu yeelan doono kulan ku saabsan, sidii si wadajir ah looga shaqayn lahaa in doorashooyinka dalku ay u dhacaan si hufan, loona saxi lahaa khaladaadka jira.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in Guddiyada Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaal uu u qabanayo sidoo kale shir fogaan arag ah, kaas oo lagaga hadlayo daahfurnaanta doorashadan, isaga oo caddeeyay in lala xisaabtamaayo cid kasta oo ku xadgudubta hufnaanta doorashada.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com