Yaasiin Farey oo dhuunta loo galay

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal ayaa dib u dhigay natiijada doorashada kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP067, kaasoo uu Khamiistii ku guuleystay Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey), Taliyaha KMG ee Hay’adda NISA.

Yaasiin Farey ayaa helay 68 cod, iyadoo musharaxii la tartamayay Maxamuud Cali Culusow uu helay 20 cod, halka 3 cod ay halaabeen.

Maamulka Guddiga Doorashada Galmudug ayaa xilligaa ku dhawaaqay in Yaasiin Farey uu ku soo baxay kursigaasi.

Kursigan ayay cabasho badan ka jirtay, ka dib markii beesha iska leh ay ku dooday in ergada wax dooratay aanay ahayn ergadii saxda ahayd, odayagii beesha ee soo xuli lahaana laga hor istaagay.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa sheegay inay cabasho ka timid Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto), oo ah nabadoonkii ay ahayd inuu ergada soo xulo iyo nin kale oo lagu magacaabo Axmed Cabdikariin Cali oo ka mid ah musharaxiintii kursigaasi u tartamayay.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka waxay caddeeyeen in la hakiyay natiijada doorashada ee kursigaasi, illaa iyo inta baaris lagaga sameynayo. Baaritaanka ayayna sheegeen in muddo toddobaad ahi ay qaadan doonto.

Iyadoo heer bilow uun ah ay mareyso Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa hareeyay buuq iyo doodo laga keenay habka wax loo maamulayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com