Saddex Xildhibaan oo maanta lagu doortay Magaalada Baydhabo

Xarunta KMG Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo waxaa weli ka socota Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwooda laga soo doorto Koonfur Galbeed.

Isniintii maanta illaa saddex Xildhibaan ayaa lagu doortay Magaalada Baydhabo, iyadoo laba ka mida Xildhibaanadaasi ay haween yihiin.

Kursiga 1aad oo tirsigiisu ahaa #HOP180 ayaa waxa uu ka dhaxeeyay oo ku tartamay musharaxiinta kala ah Saadaad Maxamed Nuur Cali iyo Maxamed Axmed Maxamed. Saadaad ayaana ku guuleysatay codad dhan 87 cod, halka Maxamed Axmed uu helay 9 cod.

Kursiga #HOP213 oo ay ku tartamayeen Amina Maxamed Mursal iyo Amina Xuseen ayaa waxaa 79 cod ku guuleysatay Amina Maxamed Mursal, halka Amina Xuseen ay heshay 12 cod.

Sareedo Maxamed Cabdalla ayaa ku guuleysatey kursiga tirsigiisu yahay #HOP154, waxayna heshay codad dhan 89 cod, halka gabadhii la tartameysay oo lagu magacaabo Fardowso Ibraahim Cabdi ay heshay 8 cod.

Maamulka Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaana ku dhawaaqay natiijada codeynta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com