General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kormeeray Xerada Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay General Fabiano Zinzone, oo ah Taliyaha Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Somaliya.
Labada dhinac ayaa yeeshay kulan uu ujeedkiisu ahaa, sidii loo xoojin lahaa wada shaqeyntooda, loona dardargelin lahaa tababarka Midowga Yurub uu siiyo Ciidanka Xoogga Dalka.
“Kulankan ayaa loo qorsheeyay in lagu xoojiyo wada shaqeynta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awoodaha tababar ee ka dhexeeya Hawlgalka Midowga Yurub iyo Ciidanka Xoogga Dalka.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Hawlgalka Midowga Yurub.
Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Somaliya ayaa ah hawlgal lagu tababaro Ciidamada Qalabka Sida, iyadoona ay tababaradan fuliyaan Saraakiil ciidan, oo ka kala socda dalalka Midowga Yurub.


Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com