Golaha Wadatashiga Qaran oo ka arrinsaday arrimaha doorashooyinka

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyay shir ay aaladda fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoona shirka diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelinteedaba.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, sida Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble uu Madaxda Golaha Wadatashiga la wadaagay, sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaaraha ayaa Madaxda Golaha Wadatashiga ku booriyay, sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isagoo madasha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Dowlad Goboleedyada bilaabay Doorashada Golaha Shacabka, isagoo ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhakhsiyaha badan u bilaabaan.

Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle ayaa caddeeyay in ay maalmaha soo aaddan bilaabi doonaan Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya.”

Ra’iisal Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga kulan kula yeeshay Guddiyada Doorashooyinka, Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray in ay ilaaliyaan hufnaanta doorashada iyo wada shaqeynta dhexdooda ah, si doorashadu u noqoto mid lagu kalsoonaan karo.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xalay bartiisa xiriirka bulshada ku yeeshay in guddiyadaasi ay leeyihiin waajibaad shaqo, oo ay tahay in ay si hufan uga soo dhalaalaan.

Qoraalka Ra’iisal Wasaaraha ayaa u qornaa “Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadku waxay leeyihiin waajibaad shaqo, oo ay tahay in ay si hufan uga soo dhalaalaan.

Waxa ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan waa in ay si hufan oo caddaalad ah u maamulaan doorashada iyo xalinta muranada ka dhasha, si waafaqsan habraacyadii lagu heshiiyay oo caddeynaya cid walba in kaalinteeda doorashada.

Waxaan ku booriyay in aysan cid gaar ah u eexan, qaadan kaalin aysan lahayn, xoojiyaan wada shaqeynta dhexdooda ah, isla-markaana aqbalin faragelin sharciga baal marsan, si doorashada ay maamulayaan u noqoto mid hufan oo lagu kalsoonaan karo.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com