Waxaa sii xoogeysanaya cadaadiska uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku hayo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, si ay u hubiyaan in doorashadu noqoto mid daahfuran, xor iyo xalaal ah.
Cadaadiskan ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Ra’iisal Wasaare Rooble uu Axaddii Magaalada Muqdisho kula kulmay Golaha Midowga Musharaxiinta ee mucaaradka, oo walaac xoogan ka muujiyay qaabka loo maamulayo Doorashada Golaha Shacabka.
Tiro kuraas ah oo lagu kala doortay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo oo cabasho xoog lihi ay ka timid ayaa kicisay dareenka Midowga Musharaxiinta iyo bulshada qaybteedaba.
Rooble oo Isniintii habka fogaan aragga kulan kula yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka ayaa ku cannaantay inay wax ka bedelaan hannaanka ay ku maamulayaan doorashada.
Rooble ayaa xilligaa wax ceeb ah ku tilmaamay cabashooyinka isa soo taraya ee ku aaddan qaabka loo maamulay qaar ka mid ah doorashada kuraasta Golaha Shacabka.
Rooble waxa uu hoosta ka xariiqay in Guddiyada Doorashada Heer Dowlad Goboleed ay ka masuul yihiin Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana korjoogteen ku leh buu yiri Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, isagoona faray inay gutaan shaqadii loo igmaday.
“Waxaa korjoogteen ku leh Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, kuraasta aysan hubin in shuruudaha doorashada la buuxiyay, lama qaban karo. Dhegtiina fura Guddiyada Doorashada Heer Dowlad Goboleed waxaa Guddiga Heer Federaal waajib ku ah inay hubiyaan in kuraastaasi loo maray habkii saxda ahaa.” Ayuu yiri Rooble.
Maxamed Xasan Maxamed (Cirro), Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii shalay sheegay inay hubinayaan, oo ay dib u eegis ku sameynayaan in sifo sharci ah loo maamulay kuraastii Golaha Shacabka ee dhawaan la doortay iyo in kale.
Gudoomiyaha ayaa sheegay inay shaqadoodu tahay ilaalinta hufnaanta doorashada, isla-markaana dalka laga qabto doorasho ay ku wada qanci karaan dhinacyada siyaasadda ee dalka.
Gudoomiye Cirro ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in beeluhu u madaxbannaanaadaan xorriyaddii ay ku soo xulan lahaayeen ergadooda, kuna soo dooran lahaayeen cidda ay doonayaan.
Dhanka kale Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in hufnaanta doorashadu tahay xalka keliya ee dalku uga gudbi karo xaaladda maanta ka jirta.
“Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa ka go’an isaga oo kaashanaya Golaha Wadatashiga Qaranka in la dhawro hufnaanta doorashada, waana sababta uu had iyo jeer Guddiyada kala duwan ee doorashooyinka iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka kulamada uu la yeesho uu ugu adkeeyo in ay doorashada u maamulaan si daahfuran.” Ayuu Macalimuu ku sheegay bartiisa Facebook.
Doorashada sanadkan ayaa noqoneyso tii ugu liidatay ee dalka soo marta, tan iyo wixii ka dambeeyay, markii doorashooyinka Somaliya loo soo wareejiyay in gudaha dalka lagu qabto.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com