Gaari ay la socdeen afar qof oo rayid ah ayay maanta miinada kula qaraxday deegaanka Buula Xaaji, oo hoos-tagga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Miinada oo waddada dhinaceeda lagu aasay ayaa haleeshay gaarigaasi, oo sida la sheegay ay dadkaasi biyo ugu dhaaminayeen xoolo dhaqato, ay abaaruhu saameeyeen.
Afartooduba waxaa la sheegay inay niman dhallinyaro ahaayeen, ayna ka mid ahaayeen dadka degan Buula Xaaji.
Tani ayaa waxay imaanaysaa, wax yar uun ka dib, markii Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo Xoogaga Kumaandooska Danab ay saakay la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.
Dhacdadan ayaa argagax-gelisay dadka deegaanka, waxaana hadda la qaban-qaabinayaa aaska dhallinyaradaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com