Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi oo Arbacadii gaaray Magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in dalkiisu ka hortaggi doono isku day kasta oo lagu doonayo in lagu fara-geliyo dalkaasi Itoobiya.
Wasiirka oo ka barbar hadlayay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Itoobiya ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Demeke Mekonen ayaa sheegay in loo baahan yahay in Itoobiya aan lagu fara-gelin arrimaheeda gudaha.
Waxa kaloo uu sheegay in Dowladda Itoobiya ay awood u leedahay xalinta xiisadaha dhexdeeda ka jira.
Demeke Mekonnen, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa bogaadiyay xiriirka sii xoogeysanaya ee labada dal.
Wasiir Mekonnen ayaa muujiyay, sida uu ugu faraxsan yahay mowqifka adag ee Shiinuhu ka taagan yahay madaxbannaanida iyo midnimada Itoobiya.
Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha uu ku tegay dalkaasi ayaa lagu macneeyay mid muhiim u ah Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, oo xiriir wanaagsan aan la lahayn dalalka reer galbeedka.
Abiy Ahmed ayaa la fahamsan yahay inuu dhabarka u jeediyay reer galbeedka, ka dib dagaalka sanadkii hore ka bilowday dalkaasi.




Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com