Weerar dad ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Beledweyne

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa xalay weeraray xeryo ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne.

Dagaalka oo muddo kooban socday ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in labada ciidan ay maleeshiyadaasi ku khasbeen inay dib u gurtaan.

Dhanka kale saddex carruur ah oo isku qoys ahaa ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacantay, ka dib markii uu hoobiye ku dhacay hoygooda.

Cali Ibraahim oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dhammaan dhibaneyaasha ay isku qoys ahaayeen.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay shalay hawlgal ka sameeyeen deegaano dhaca galbeedka Beledweyne, sida Luuq Jeeloow, halkaasoo ay Shabaabku ku leeyihiin bar kontorool, oo ay ku canshuuraan gaadiidka soo gala magaaladaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com