Qoorqoor oo saxiixay Miisaaniyadda Galmudug ee sanadka 2022

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gelinkii dambe ee maanta saxiixay Miisaaniyadda Dowlad Goboleedka Galmudug ee sanadka 2022.

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa 11-kii bishii hore ee November ansixiyay Miisaaniyadda sanadka soo socda, iyadoo markii maalmo ka dibna uu Baarlamaanka Maamulkaasi meelmariyay, waana xilli aan cadadkeeda si rasmi ah loo shaacin.

Qoraal ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta saxiixay miisaaniyadda Dowladda Galmudug ee 2022.

Miisaaniyadda Dowladda Galmudug ee sanadka 2022 ayaa waxaa horey u ansixiyay Baarlamaanka Galmudug.

Munaasabadda saxiixa Miisaaniyadda ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Dahir Ciid iyo Wasiirka Maaliyadda Galmudug.”

May be an image of 3 people, people standing, suit and indoor
May be an image of 3 people, people sitting, suit and indoor

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com