Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor oo Muqdisho ku soo laabtay

Ururka 9aad, Guutada 18aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa maanta dalka ku soo laabtay, ka dib markii tababar gaara ay ku soo qaateen dalka Turkiga.

Ciidamadan ayaa horaan loo qaaday Magaalada Isparta, ka dib markii wejiga hore ee tababarkooda uu ugu soo geba-gaboobay Saldhigga Turksom ee Magaalada Muqdisho.

Diyaarad nooca militariga oo Militariga Turkiga uu leeyahay ayaa ciidamadan ka soo dejisay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan Maxamed Siciid Samatar (Gacaliye) iyo Saraakiil kale ayaa ciidamadan ku soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo ka hadlayay soo dhaweyntaasi ayaa sheegay in Ururka 9aad ay ka qayb qaadan doonaan hawlgalada dalka looga ciribtirayo maleeshiyada Al Shabaab.

“Waxaa la idinka rabaa cadowga inaad ula dagaalantaan, sida uu shacabka Soomaaliyeed ula dagaalamayo si lamid ah inaad ula dagaalantaan. Waxaa la idinka rabaa xuduudaha dalka inaad sugtaan, aad iyo aad baana idinkugu mahadcelinaya, idiina soo dhaweynayaa.” Ayuu yiri General Biixi.

Jananka ayaa yiri “Dufcadaan maanta timid waa dufcaddii 9aad, waxaana isla maantaba baxaya ducaddii 10aad, haddii Ilaahay yiraahdo. Taasina waxay muujinaysaa tababarka iyo kororsiimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidanka Dhulka iyo Ciidanka Gorgor. Gorgor waa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu ku faano maanta, cadowguna uu ka naxo.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com