Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda, Xildhibaano, Senatoro, masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, siyaasiyiin, odayaal iyo waxgaradba.

Ma cadda ujeedada uu Madaxweyne Qoorqoor xilligan u yimid Magaalada Muqdisho, waxayse ku soo aadaysaa, xilli Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu si adag u dhaliilay qaabka loo maamulay kuraastii Golaha Shacabka ee dhawaan lagu kala doortay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo.

Doorashada ayaa noqoneyso tii ugu liidatay ee dalka laga qabto, tan iyo wixii ka dambeeyay, markii doorashooyinka Somaliya loo soo wareejiyay in gudaha dalka lagu qabto.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com