Ciidamada Qaranka Itoobiya ayaa dardar ku wada hawlgalada ka dhanka ah kooxaha fallaagada, ka dib markii Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed uu si rasmi ah ula wareegay hoggaaminta dagaalka.
Gantaalaha ay tuurayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa khasab kaga dhigtay kooxaha fallaagada in ay difaacyadoodii baneeyaan.

Warbaahinta Dowladda ayaa xalay sheegtay in Ciidamada Qaranka ee Ra’iisal Wasaaruhu hoggaaminayo ay saacadihii dambe ee Jimcihii la wareegeen gacanta ku haynta afar magaalo oo hor leh. Warbaahinta ayaa magaalooyinkaasi ku kala sheegtay Mehal Meda, Chefa Robit, Harbu iyo Mekoyi.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay horkacayay ciidamadiisa dagaalka kaga jira Gobolka Amxaarada, ka dib markii ay ka tallaabeen gobolka ay deriska yihiin ee Canfarta.
Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in dagaalku uu sii socon doono, illaa iyo inta ay ka xoreynayaan Itoobiya oo dhan.
Mar sii horeysay Ra’iisal Wasaaraha ayaa kooxaha hubeysan ee xukuumadiisa ka soo horjeeda ugu baaqay inay isa soo dhiibaan, haddii aanay lahayn awood ay ugu babac-dhigaan Ciidamada Difaaca Qaranka, sida uu yiri.
Saraakiisha TPLF ayaase sheegaya inay sameynayaan waxa ay ugu yeereen dib u gurasho istiraatiijiyadeed.
Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa 22-kii bishii November ku dhawaaqay in uu teggi doono jiidda hore ee dagaalka, uuna hoggaamin doono Ciidamada Difaaca Qaranka. Tani ayaa meesha ka saartay culeyskii ay TPLF ku haysay Caasimadda Addis Ababa, iyadoona uu culeyska u wareegay dhanka TPLF iyo jabhadaha ay bahwadaagta yihiin.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com