Qarax ka dhacay Awdiinle oo afar qof ku dhimatay

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacantay, ka dib markii maanta uu qarax ka dhacay deegaanka Awdiinle ee duleedka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lagu dhex aasay maqaaxi lagu shaaho oo ku taala deegaankaasi, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha deegaanka, Ibraahim Maxamed Nuur (Kalaay).

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in afar ruux ku dhimatay qaraxaasi, oo ay ku jirto gabadhii maqaaxi laheyd, halka lix kalena ay ku dhaawacantay.

“Sidaad wada ogtihiin nimankii nabadiidka ahaa ayaa qarax nooca la haggo ah ku qarxiyay maqaaxi ay qof masaakiin ah qutul-yoonkeeda ka raadsaneysay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Waxaa ku naf waayay gabadhii maqaaxida laheyd iyo saddex qof oo kale, dad kale oo masaakiin ah saas oo kale oo meesha shaah ka cabaayay ayaa ku dhaawacmay, oo qaarkood ay carruur yar yar yihiin.”

Dhaawacyada dhibaneyaasha ayaa la soo gaarsiiyay Isbitaalka Guud ee Baydhabo, halkaasoo xaaladooda lagula tacaalayo.

19-kii bishii hore ee November ayay ahayd markii qarax lagu aasay maqaaxi ku taala Degmada Berdaale ee gobolkaasi ay ku dhinteen toddobo qof oo rayid ahaa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com