Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, ee dib loogu celiyay doorashada laba ka mida kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Guddiga Doorashooyinka ayaa qoraal ku sheegay inaanan doorashada kuraastaasi loo marin habraacyadii saxda ahaa, sidaasi daraadeedna dib doorashadooda loogu noqon doono.
Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu ka go’an tahay ka jawaabista tabashooyinka ku aaddan daahfurnaan la’aanta doorashada.
“Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu uga mahadcelinayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal go’aanka ay ka qaateen, ee la xiriira ilaalinta hufnaanta doorashada, waxa uuna ku boorinayaa Guddiga Xalinta Khilaafaadka in iyaguna waajibaadkooda ay u gutaan, si cadaalad ah oo waafaqsan heshiisyada iyo habraacyada doorashada.” Ayuu yiri Macalimuu.
Macalimuu ayaa yiri “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, isaga oo gudanaya masuuliyadda ka saaran in doorashooyinka ka socda dalka ay noqdaan kuwo daahfuran, lagu kalsoonaan karo, kuna qabsooma waqtiga loo qorsheeyay, waxa uu la wadaagayaa bulshada Soomaaliyeed, sida ay uga go’an tahay ka jawaabista tabashooyinka la xiriira daahfurnaan la’aanta doorashada ee ka soo yeeray daneeyeyaasha doorashooyinka, oo ay ku jiraan Midowga Musharaxiinta, bulshada rayidka iyo Beesha Caalamka.”
Rooble oo Isniintii habka fogaan aragga kulan kula yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka ayaa ku cannaantay inay wax ka bedelaan hannaanka ay doorashada ku maamulayaan.
Rooble ayaa xilligaa wax ceeb ah ku tilmaamay cabashooyinka isa soo taraya ee la xiriira qaabka loo maamulay qaar ka mid ah doorashada kuraasta Golaha Shacabka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com